Laba gool oo uu dhaliyay Erling Haaland ayaa Manchester City u dhaweysay inay ku guulaysato horyaalkii afraad oo xiriir ah kadib markii ay 2-0 ku garaacday Tottenham Hotspur Talaadadii.
Weerar yahanka reer Norway ayaa bilowgii qeybtii labaad dhaliyay goolkii ugu horeeyay kooxdiisa, waxana uu culeyska ka dulqaada neerfaha City, isaga oo sidoo kale wakhtigii dhimashada dhaliyay gool-ku-laad, kaasi ahaa goolkiisii 27-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Pep Guardiola ee City ayaa leh 88 dhibcood, halka Arsenal ay leedahay 86 dhibcood, waxayna noqon doonto kooxdii ugu horraysay ee ku guulaysata afar koob oo isku xigta oo Ingiriis ah, haddii ay Axadda gurigeeda ku garaacdo West Ham United markaas oo ay Arsenal ku qasban tahay in ay iyana Everton garaacdo.
City ayaan haatan aan laga badin 22 kulan oo ay ciyaartay horyaalka, waxayna markale muujisay inay yihiin kuwa udub dhexaad u ah tartanka horyaalka, xilli ay si hagar la’aan ah u baacsanayso kooxda Arsenal oo muujisay inay aad uga adkeysi badan tahay sidii ay xili ciyaareedkii hore.
Reuters
Madal