Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga:Waa in Xal loo Helaa Khilaafka Madaxda


Mahiga:Waa in Xal loo Helaa Khilaafka Madaxda
Mahiga:Waa in Xal loo Helaa Khilaafka Madaxda

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda VOA, kaga hadlay khilaafka madaxda iyo arrimo kale.

Danjire Augstine Mahiga ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Somalia ayaa ku tilmaamay nassiib darro khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee DKMG.

Danjiraha ayaa xusay in uu arrintaasi u tagay magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in uu ku sugnaa xaruunta AMISOM markii la qarxiyay garooonka diyaaradaha ee Muqdisho horraantii bishan September.

Ergayga ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ku rajo weynyahay in la helo labaatanka kun ee askari ee uu u bandhigay golaha ammaanka si loo geeyo Somalia.

Mr Mahiga ayaa xusay in dekedda magaalada Kismaayo ay ka soo degaan dagaalyahaanno shisheeye oo u dagaallama kooxa al Shabaab, waxaana uu ku qiyaasay in tiradoodu ay gaadhayso boqollaal.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu kala kulmay Madaxda Eritrea, ayuu sheegay in ay muujiyeen in ay rabaan in ay ka qayb qaattaan nabadaynta Somalia.

Waxaana uu tilmaamay in ay codsadeen in Qaramada Midoobay ay noqto dhexdhexaadiye daacad ah, iyaga oo sida uu sheegay muujiyay inaanay ku niyad samayn in al Shabaab diyaar u yihiin wada hadal.

waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG