Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Magacyada Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles


Magacyada Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles
Magacyada Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles

Idaacadda VOA ayaa heshay liiska 40 qof oo Soomaali ah oo ku eedaysan burcad-badeednimo kuwaasoo ku xiran Seychelles.

Liiska Magacyadan waxaa VOA u soo gudbiyay C/risaaq Maxamed Dirir oo ah mas'uul Soomaali oo ka qeybgalay shir looga hadlayay la dagaalanka burcad-badeedda oo ay ka soo qeybgaleen waddamada ku jira dallada COMESA ee bariga iyo badhtamada qaraadda Africa kaasoo dhawaan lagu so gabagabeeyay dalka Seychelles.

Haddaba Liiska magacyada maxaabiista Soomaalida ah ee loo haysto falal burcad-badeednimo waxay kala yihiin;

Tiro Magaca Goobta Dhalashada

1Cabdulqaadi Cali AxmedMuqdisho
2Cabdilaahi SiciidCadaado
3Salaad Maxamed DiiriyeWisil
4Cabdilaahi XuseenGaroowe
5Cali Maxamed CaliGaalkacyo
6Maxamed Aways SiciidMuqdisho
7Daauud Cali SalaadMuqdisho
8Cabdilaahi Siciid Cigaal (Raanbow)Muqdisho
9Cumar Xaaji CumarMarka
10Axmed Maxamed IsmaaciilKunturwarey
11Cabdilaahi Xasan XayleMuqdisho
12Cabdilaahi Maxamed XuseenCeel-Dheer
13Maxamed Axmed DaahirGuri-ceel
14Cabdiqaadir Xaashi CawaaleMuqdisho
15Bashiir Xasan CaliGaalkacyo
16Cabdiqaadir Xasan MacalinSablaale
17Axmed Cabdi MaalinDhuusa-mareeb
18Cabdicasiis Cabdi CaliXarardheere
19Axmed Abshir WeheliyeMuqdisho
20Burhaan Maxamed MaxamuudMuqdisho
21Asad Axmed CaliMuqdisho
22Axmed Ibrahim Cabdi (Qoorgaab)Muqdisho
23Xasan Ibraahim CismaanBaraawe
24Mowliid Axmed AbtidoonSablaale
25Cabdishakuur Tahliil XasanCadaado
26Maxamed Cabdi FaaraxJariiban
27Saleebaan Cali NuurKismaayo
28Nuur Xasan Aadan (Buurgaab)Garacad
29Daahir Cabdilaahi WarsameGaalkacyo
30Carays Maxamed Aadan CismaanBoosaaso
31Cali Maxamed Aadan MuxumedBaraawe
32Axmed Khaliif WarsameMuqdisho
33Cabdi Cumar MaxamedKismaayo
34Maxamed CAbdiqani NuurMarka
35Shadoor Cali FaaraxBacaadweyn
36Maxamed Cabdi CaliBaladweyn
37Iina Mire MuuseGaroowe
38Siciid Cabdiqani Sh. AadanWarshubo
39Cabdi Xasan CaliCabudwaaq
40Axmed Cismaan Maxamed
Muqdisho


Liiskan oo uu VOA u soo gudbiyey Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo ah Xiriiriyaha Barnaamijka La-Dagaalanka Budhcad Badeedka Puntland, xubinna ka ah Guddiga La-Dagaalanka Budhcad Badeedka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaarahaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, wuxuu kaloo VOA u sheegay in afar qof oo lagu eedeeyey budhcad-badeed inay badda ku dhinteen kuwaasi oo magacyadoodu ay kala yihiin: Axmed Kaambooni, Cali Isse, iyo Maxamed Cabdirahman.

Waxay kaloo la sheegay in lix dhallinyaro ah oo burcad-badeed ahaan loo soo xiray lagala baxay xabsiga, dabadeedna meel la geeyeyna aanay garanayn.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga C/risaaq Dirir.

XS
SM
MD
LG