Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madoobe: Xukuumadda waqtigeedii wuu dhamaaday


Sh Aden Madoobe
Sh Aden Madoobe

Guddoomiyaha baarlamaanka Sh. Adan Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda DKMG ay dhacday oo waqtigeedii uu ka dhamaaday.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa kadib markii uu ka soo baxay fadhi uu lahaa baarlamaanka Somalia oo buuq ku dhamaaday ayuu Adan Madoobe wuxuu sheegay in xildhibaano gaaraya ilaa 280 xildhibaan ay codkii kalsoonida kala noqdeen xukuumadda Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Adan Madoobe, wuxuu VOA-da u sheegay in madaxweyne Shariif uu ka codsaday in muddo 30 maalmood ah uu ra'iisul-wasaare cusub ku soo dhiso.

Dhinaca kalena, Qaar ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday guddoomiye Adan Madoobe, iyagoo sheegay in waqtigiisii uu dhamaaday. Xildhibaanadaasi oo sheegtay in tiradoodu gaadhayso 300 waxay si KMG guddoomiye ugu doorteen Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah xubinta da' ahaan ugu weyn baarlamaanka Soomaaliya.

Xaaji Shukri oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay inuu haatan yahay guddoomiyaha sharciga ee Baarlamaanka, wuxuuna xusay in muddo 15 cisho ah ay baarlamaanku guddoomiye ku soo dooran doonaan.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Wareysiyada Adan Madoobe iyo Xaaji Shukri.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG