Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Nairobi Kula Kulmay Kenyatta


Kenyatta iyo Xasan
Kenyatta iyo Xasan

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamud iyo Uhuru Kenyatta ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi iskula soo qaaday arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya.

Labada madaxweynaha iyagoo dhinaca kale isku afgartay in la fududeeyo socdaalka labada dal, gaar ahaan duulimaadka dayuuradaha iskaga kala goosha Kenya iyo Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ee Nairobi arrimahaasi kaga wareystay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Daa’uud Aweys.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Kenyatta
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG