Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Xildhibaanno


Part of an installation called "Campo de Color" by Bolivian artist Sonia Falcone is pictured during the 55th La Biennale of Venice, Italy, May 28, 2013.
Part of an installation called "Campo de Color" by Bolivian artist Sonia Falcone is pictured during the 55th La Biennale of Venice, Italy, May 28, 2013.

Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed ayaa dadaal xooggan ugu jiro sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka baarlamaanka xilli uu sii xoogaysano kala qeybsanaanta Mudanayaasha udhaxeysa.

Kulan socday Mudda saacaddo ah ayuu madaxweynahu xarunta Madaxtooyada kula qaatay maanta 12 xunood oo ah guddi ay iska soo dhex xuleen Xildhibaanadii dhawaan shir ku yeeshay Muqdisho, kuwaasoo sheegay inuu dhamaaday waqtigii guddoonka baarlamaanka, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweynaha uu ka dalbaday qaboojinta ismaandhaafka haatan jira inkasto oo aanu shirka ka soo bixin wax natiija ah.

C/raxmaan Max'uud Geeddi oo ka mid ah Xidhibaanada gudoonka ku eedeeyay inuu waqtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in guddigii madaxweynaha loo diray ay soo tabiyeen in madaxweynaha codsaday in la sugo kadib safar uu dibedda ku tagi doono.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u kala qaybsan qaar aaminsan in guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waqtigii ka dhacay iyo kuwo kale oo qaba in kaligood aanu waqtigu ka dhicin balse madaxda dowlada oo dhan uu waqtigu ka dhacay.

Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul oo kamid ah xubnaha baarlamanka ku soo biiray markii la balaariyay ayaa ku doodaya in waqtiga gudoomiyaha barlamaanku aanu ka bilaaban karin markii lagu soo dhisay dalka Kenya maadaama lakordhiyay baarlamaanka oo sharciyadii jirta wax lagu daray oo ay ku midoobeen baarlamaankii jiray iyo kooxihii mucaaradka.

Madaxweyana Sharif wuxuu dhawaan ka digay qilaaf u dhaxeya mudanayaasha baarlamaanka mar uu la shiray qaar katirsan xildhibaanada isaga oo ku taliyay inay xal ka gaaraan maadama buu yiray ay dowladu dagaal ku jirto
Sikastaba ha ahaatee lama oga halka uu ku danbayn doono ismaandhaafka hada inkasta oo madaxa dowlada ay dadaal ku jiraan hadana waxaa xubnaha Mucaaradka ay ku doodayaan inaysan marnaba ogalaan doonin wax shariga kabaxsan iyo in xeer jajab lagu xaliyo oo aan ka aheyn in la qabto doorasho.

XS
SM
MD
LG