Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Dhaliilay Qabshada Ahlu-Sunna Cadaado


Madaxweyne Shariif oo Dhaliilay Qabshada Ahlu-Sunna Cadaado
Madaxweyne Shariif oo Dhaliilay Qabshada Ahlu-Sunna Cadaado

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in duullaanka lagu qaaday degmada Cadaado.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dhaliil u jeediyay qabsashada degmada Cadaado.

Degmada Cadaado waxaa saaka duulaan ku qabsasday maleeshiyo ku magacaaban Ahlu-Sunna Waljamaaca kuwaasoo la sheegay inay ka soo duuleen dhanka degmada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in wakhtigan aan loo baahneyn in duullaan lagu qaado dad nabad u deganaa meeshana laga saaro ayuu maamulkii halkaasi ka dhisnaa.

Degmada Cadaado ee gobolka Galguduud waxaa ka arriminayay maamulka Ximan iyo Xeeb. Guddoomiyaha maamulkaasi ayaa cambaareeyay falka qabsashada ahlu-Sunna Waljamaaca ay meesha kaga saartay maamulkiisa oo saldhigiisu ahaa Cadaado.

XS
SM
MD
LG