Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Booqday Jiidaha Hore


Madaxweyne Shariif oo Booqday Jiidaha Hore
Madaxweyne Shariif oo Booqday Jiidaha Hore

Madaxweyne Shariif wuxuu socdaal ku tegay goobihii ay ciidamada dowladdu ku qabsadeen dagaalladii u dambeeyay ee Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday goobihii ay dhowaan ciidamada dowladdu ku qabsadeen dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Shariif wuxuu lug ku maray jiidaha hore ee ay dhufeysyaga kaga jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM, ee degmooyinka Wardhiigle, Hodan iyo Hawl-wadaag.

Madaxweynaha ayaa goobihii uu tegay wuxuu kula kulmay ciidamada dowladda ee jiidaha hore fadhiya iyo kuwa AMISOM. Waxaana socdaalkiisa ku wehliyay wariyeyaal ka tirsan warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Madaxweyne Shariif ayaa booqashadiisa ka dib shir jaraa'id oo uu qabtay waxa uu ka sheegay in dagaalladii u dambeeyay ee ay Muqdisho kula galeen kooxda al-Shabaab ay ka gaareen guulo la taaban karo.

Dhismayaasha ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka waxaa ka muuqday burbur weyn oo ay gaarsiiyeen rasaastii yo madaafiicdii laysku weydaarsaday dagaalada.

XS
SM
MD
LG