Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rayaale oo ka soo Horjeestay Shirka London


Rayaale oo ka soo Horjeestay Shirka London
Rayaale oo ka soo Horjeestay Shirka London

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka Somaliland ee shirka London.

Madaxweyne Kaahin ayaa sheegay in ka qeyb galka shirka London inuu khalad yahay, talaabadaasina ay la mid tahay iyada oo laga noqday gooni isu taagii ay dadka reer Somaliland aftida u qaadeen.

Rayaale ayaa maanta dib ugu noqday Hargeysa wuxuuna sidoo kale ka hadlay dagaalada ka socda deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland, Max'ed C/laahi ayaa difaacay mowqifka xukuumadda ee ka qeybgalka Somaliland.

Wareysiyo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG