Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Geelle oo la Kulmay Panetta


Kulanka Leon Panetta,iyo Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, Dec., 13, 2011 AP Photo
Kulanka Leon Panetta,iyo Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, Dec., 13, 2011 AP Photo

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Leon Panetta ayaa sheegay in dalalka ay Djibouti ka mid tahay ay muhiim u yihiin dadaalka ka dhanka ah argagixisada. Maraykanka ayaa haatan diiradiisa u wareejinaya kooxaha Al-Qaacida ku xiran ee ku sugan Soomaaliya iyo Yemen.

Xoghaye Panetta ayaa booqasho gaaban maanta oo Salaasa ah ku tagay Djibouti halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle isagoo ugana mahadceliyay taageerrada Djibouti.

Xoghayaha Difaacu wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono dabagalka kooxaha Al-Qaacida ku xidhan oo ay ku jirto kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu Soomaaliya iyo garabka al-Qaacidada ee ku sugan Jaziiradda Carabta.

Mr Panetta wuxuu sidoo booqday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Djibouti kuwaasoo gaaraya 3 kun kuwaasoo saldhig ku leh Djibouti.

XS
SM
MD
LG