Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole oo looga digay inuu Muddada Kordhisto


Faroole oo looga digay inuu Muddada Kordhisto
Faroole oo looga digay inuu Muddada Kordhisto

Wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa uga digay maamulka Puntland ee hadda inuu muddo ku darsado, wuxuuna sheegay inay khalkhal horseedi doonto.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole inuu si sharci darro ah hal sano ku kordhistay muddada maamulkiisa.

Jeneraal Cabdullaahi Siciid Samatar, wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa wareysi uu siiyay VOA-da u sheegay in fadhi qarsoodi ah oo uu yeeshay golaha wakiillada Puntland bishii December ay wakhtiga ku kordhisteen iyaga madaxweynaha hal sano oo dheeraad ah.

Jeneraalka ayaa sheegay inaan la oggolaan doonin in madaxweyne Faroole uu muddo kororsi ku dhaqaaqo, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto khal khal iyo isku dhac.

Xiriir ay VOA-du la sameysay xubno ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan eedeeynta loo soo jeediyay.

Sanadkii 2001-dii Puntland waxaa ka dhacay dagaal dhex maray beelaha uu ka wada dhaxeeyo maamulka, ka dib markii Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ay xubnaha golaha wakiiladu ay si iyagoo kala qeybsan ay muddada u kordhiyeen.

XS
SM
MD
LG