Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Qaramada Midoobay


Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Qaramada Midoobay
Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka digay in colaadaha iyo xasillooni darrida Geeska Africa ay horseedi karaan halis xagga ammaanka ah, haddii aysan beesha caalamku xil iska saarin .

Isagoo shalay galab xarunta QM ee New York kula hadlyay xubnaha Golaha Ammaaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu madaxweyne Geelle sheegay in xaaladda sii xumaaneysa ee Geeska Africa ay tahay mid aan lagu daawan karin sida ay imminka tahay.

Madaxweyne Geelle wuxuu yiri: “Iyadoo ay dhibaato ba’an, saboolnimo xad-dhaaf ah iyo murugo astaamo u noqdeen, haddana Gobolka Geeska Africa wuxuu dhabarka u ritay in ka badan qeybta uga beegan masiibooyinka, barakaca iyo nasiib-xumada, dhibaatooyinkaas oo dhammaantood ah kuwa aan dhaqaale ahaan, bani’aadannimo ahaan iyo waliba bulsho ahaan la xamili karin.”

Isagoo ka hadlaya arrimaha Somalia-na, madaxweyne Geelle wuxuu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in beesha caalamku ay xoogga saarto wax ka qabashada xaaladda caasimadda Muqdisho. Wuxuu yiri: aan go’aansanno in, maadaama ay dadaaalladii kale suuroobi waayeen, inaan xoogga saarno inaan caasimadda ka sifeyno kooxaha mintidka ah, kaddibna aan kala dambeyntii iyo sharcigii soo celinno, kaddibna ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha caalamiga ah xafiisyadoodii dib uga furtaan Muqdisho. Madaxweyne Geelle ayaa intaas ku daray in, inkastoo ay tahay inaan laga quusan dibu-heshiisiinta, in maanka lagu hayo in kooxaha Al-Qaacida ku nudan ee Somalia uu hadafkooda koobaad yahay inay ridaan dowladda ay beesha caalamku aqoonsan yihiin.

Isagoo laga tarjumayo, ayuu madaxweyne Geelle wuxuu yiri: “Geeska Africa, waa inaan la tacaalno xaaladda cakiran ee Somalia, maxaa yeelay waxay saameysaa dalal badan, iyo marin-biyoodyada caalamiga ah. Qof walba hadda wuxuu qirsan yahay in dadaal walba oo la galiyey wax ka qabashada burcad-badeedda, in sida ugu habboon in loola tacaali karo ay tahay in la soxo halka ay sartu ka quruntay, oo ah xasillooni darrida, saboolnimada iyo fashilka he’adaha dowladeed.”

XS
SM
MD
LG