Waxaa meelo badan oo caalamka ka mid ah ka dhacaya xaflado loogu talogalay maalinta xuquuqda aadamaha caalamka oo maanta loo asteeyay.
Xafladaha ayaa inta badan la xiriira xuquuqda aadamaha iyo tacaddiyada la geysto.
Xiligan ayaa waxaa adduunka meelo badan ka jira xadugudbyo loo geysto xuquuqda aadamaha. Soomaaliya ayaa liiska meel sare kaga jirta dalalka ugu badan ee ka dhaca tacaddiyada loo geysto xuquuqda aadamaha.