Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Puntland oo 12 Jirsaday


Maamulka Puntland oo 12 Jirsaday
Maamulka Puntland oo 12 Jirsaday

Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay u dabaal degay sanad-guuradii 12aad ee kasoo wareeygtay markii la aas-aasay

Sanad-guuradii 12aad ee markii dhidibada loo aasay maamul goboleedka Punland ayaa meelo kala duwan oo Puntland ah lagu qaybtay iyadoo xafladii ugu weynaydna ay xalay ka dhacday xarunta dalxiiska ee magaaladda Garowe, halkaas oo ay kasoo qeyb galeen dad kun ruux kor u dhaafaya, dadkaas oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan.

Mas’uuliyiinta kasoo qeyb galay xafaladda ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska marwo Caasha Geelle Diiriye oo ka hadashay horumarka Puntland, waxayna si gaar ah u tilmaantay in sanadkii u dambeeyey uu ahaa sanad horumar wacan laga gaaray xagga caafimaadka iyo waxbarashada.

XS
SM
MD
LG