Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka


Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka
Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka

Maanta oo ah 12-ka April waxay ku beegan tahay sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii ciidankii xoogga dalka Soomaaliya.

Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo ka tirsanaa abaanduulayaashii ciidankii xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA-da uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ciidankaasi soo maray. Galaal wuxuu sheegay in ciidanku laf-dhabar uu u ahaa horumarkii dalka Somalia, ee dhinacyada ammaanka iyo xasiloonida, iyadoo dhisitaankii iyo qalabeyntiisana uu ka qeyb qaatey dalkii Midowga Soviet la oran jiray, ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii u dhaxeeyey Somalia iyo Ethiopia.

Maxamed Nuur Galaal,wuxuu sheegay in guuldarrada ku timid ciidankii xoogga dalka ay soo bilaabatay kadib dagaalkii 1977-kii.

Gen. Galaal, wuxuu sheegay in ciidamadii xoogga dalku ay qeyb ka qaateen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wareysiga Gen Galaal, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG