Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka

Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka
Maalinta Ciidankii Xoogga Dalka

Maanta oo ah 12-ka April waxay ku beegan tahay sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii ciidankii xoogga dalka Soomaaliya.

Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo ka tirsanaa abaanduulayaashii ciidankii xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA-da uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ciidankaasi soo maray. Galaal wuxuu sheegay in ciidanku laf-dhabar uu u ahaa horumarkii dalka Somalia, ee dhinacyada ammaanka iyo xasiloonida, iyadoo dhisitaankii iyo qalabeyntiisana uu ka qeyb qaatey dalkii Midowga Soviet la oran jiray, ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii u dhaxeeyey Somalia iyo Ethiopia.

Maxamed Nuur Galaal,wuxuu sheegay in guuldarrada ku timid ciidankii xoogga dalka ay soo bilaabatay kadib dagaalkii 1977-kii.

Gen. Galaal, wuxuu sheegay in ciidamadii xoogga dalku ay qeyb ka qaateen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wareysiga Gen Galaal, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

This item is part of
XS
SM
MD
LG