Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Caruurta Africa


Waxaa maanta Africa laga xusay maalinta caruurta Africa. Xaalladda ay ku nool yihiin caruurta Soomaalida ayaa laga deyrinayaa

Iyadoo ay maanta ku beegantay maalinta caruurta Africa ayaa xaalada caruurta Soomaaliyeed si weyn looga deyriyay.

Hay’adda OXFAM oo ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa warbixin ay soo saartay waxay kaga hadashay xaaladdaha dhanka nolosha ee caruurta Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay warbixinteeda ayay ku qiyaastay in caruur gaareysa 240,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ay nafaqo darro hayso.

Agaasimaha hay’ada OXFAM C/laahi Yuusuf oo VOA-da u warramay ayaa walaac ka muujiyay xaaladdaha caruurta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in colaadaha ka jira dalka ay ugu weyn tahay sababaha inta badan kalifay dhibaatada nafaqodarrida ah ee caruurta.
C/laahi wuxuu sheegay in koonfurta Soomaaliya ay tahay meesha ugu daran ee caruurtu ay ku dhibaateysan yihiin.

MSF ayaa sidoo kale wal wal ka muujisay mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga C/laahi Yuusuf.

Sidoo kale, qeybtan ka dhagayso barnaamij ka hadlaya xuska maalinta caruurta Africa, gaar ahaan caruurta Hargeysa.

XS
SM
MD
LG