Isku xirrada

War Deg-Deg ah

LRA oo Hogaamiye Sare Laga Qabtay


Ciidamada Dalka Uganda ayaa gacanta ku soo dhigay Taliye sare oo ka tirsan Jabhadda LRA, taasoo muujineysa sida ay ugu sii dhawaanayaan inay gacanta ku soo dhigaan Hogaamiyaha baxsadka ah ee kooxda Joseph Kony.

Afhayeen u hadala ciidamada Milatariga Uganda ayaa sheegay axadii shalay in talyahan oo la yirahdo Caesar Achellam, oo General sare ka ah Jabahadda Kony la soo qabtay mar weerar gaadmo ah lagu qaaday maalin ka hor meel ka mid ah jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Kony iyo Jabhadiisa LRA ayaa weerar argagax leh ku hayay gobolka bartamaha Africa muddo 26 sanadood ah.

Iyagoo weerarayay tuulooyin, oo dilayay ama afduubanayay dadka ku nool, isla markaana ka bara kiciyay malaayiin qof guryihii ay degenaayeen.

Ugu yaraan 2,500 oo ciidan ayaa hadda baadi doon ugu jira Mr Kony iyo dagaalyahano lagu qiyaasay 200 oo isaga la socota

Ololaha ka dhanka ah LRA iyo hogaamiyahooda Joseph Kony ayaa dareenka caalamka uu ku soo jeestay bishii March ee sanadkan, markii Koox Fadhigeeduyahay Mareykanka ay internetka soo gelisay Muuqaal Fidiyow ah oo ku saabsan dhaqamada uracan ee kooxda Kony.

XS
SM
MD
LG