Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Xisbi Cusub oo Siyaasadeed


Prof. Cabdi Samatar ayaa sheegay in xisbiga cusub ee ay ku dhawaaqeen u ka shaqeyn doono sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Somalia.

Magaalada London waxaa lagaga dhawaaqay xisbi cusub oo siyaasadeed oo loogu magac daray "Hiil-Qaran". Xisbigan waxaa dhisay siyaasiyiin uu ka mid yihiin Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cismaan Kalluun iyo aqoonyahanno kala duwan.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa VOA-da u sheegay inuu si KMG ah madax ugu yahay golaha dhexe ee Xisbigan cusub, laakiin uu dhawaan xisbigu uu soo dooran doono xubintii hoggaamin lahayd. Prof Cabdi Ismaaciil wuxuu sheegay in xisbigan uu ka shaqeyn doono sidii xal loogu heli lahaa colaadda muddada dheeraatay ee ka aloosan dalka Somalia.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu sheegay in xisbigan uu wakiillo ku leeyahay gobollo kale duwan oo ka tirsan Somalia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso Wareysiga VOA la yeelatay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

XS
SM
MD
LG