Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Somaliland iyo Somalia u Furmay


Waxaa si rasmi ah manta uga furmay deegaanka Kent ee duleedka London wadahadaladii loo balansanaa ee u dhexeeyay DKMG iyo Somaliland sida uu VOA Somali uu u xaqiijiyay Mas’uul ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan Britain.

Kulamaddan ayaa ka soconaya dhismaha qadiimiga ah ee Chevening House oo kamid ah goobaha lagu qabtay kulamadda siyaasadeed ee gaarka ah.

Labada wafdi ee DKMG iyo Somaliland waxaa ay isugu jiraan Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ay kala hogaaminayaan Wasiirka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee Dawladda KMG Cabdisamad Macalin Maxamud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Max'ed C/laahi Cumar.

Waa markii ugu horraysay oo labadda dhinac ay kulan yeeshaan muddo 20 sano ah, waxaana uu daba socdaa shirkii London lagu qabtay 23 February oo qodobadii kasoo baxay lagu muujiyay in ay DKMG iyo Somaliland ay ka heshiiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xiriirka ay yeelanayaan.

XS
SM
MD
LG