Maydadka 5 nin oo Soomaali ah ayaa laga helay isbitaal ku yaalla magaalada Benghazi ee dalka Liibiya, halkaasoo ay ka socdaan rabshado ka dhan ah dowladda dalkaasi.
Cabdiraxmaan Axmed Aadam oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Benghazi ayaa VOA u sheegay in shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka ay tusiyeen maydadkaasi oo ku jira qaboojiye, wuxuu sheegay inaysan sheegi karin waxa dilkooda loo adeegsaday.