Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lamaane Afduub loo Haystay oo la sii Daayay


Lamaane u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo muddo 20 bilood ah afduub ahaan loogu haystay dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay.

Wasiirka difaaca ee DKMG, Xuseen Carab Ciise ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysteen siideynta lamaanahan.

Lamaanahan oo lagu magacaabo, Deborah Calitz and Bruno Pelizzari ayaa tan iyo bishii October ee 2010-kii afduun ahaan loo haystay, iyadoo markaasi ay burcad-badeed hubeysan ay doonidoodiika soo afduubteen xeebta koonfur bari Afrika.

Burcad-badeedda ayaa horey u dalbaday lacag madax furasho ah oo gaaraysa 10 malyuun oo Dollar si loo sii daayo lamaanahan, ma cadda in la soo furtay iyo in lacag madax furasho ah lagu bixiyay siideyntooda.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduub ku qabsaday darzino maraakiib ah oo marayay biyaha Geeska Afrika shantii sannadood ee la soo dhaafay, waxayna burcad-badeeddani uruursadeen lacago madax furasho ah oo gaadhaysa boqolaal malyuun oo Dollar.

Weerarada ay geystaan burcad-badeedda ayaa bilihii u danbeeyay hoos u dhacay, iyadoo maraakibtuna ay qaadeen talaabooyin ay isku ilaalinayaan iyo iyadoo ciidamada badda ay in badan gaafwareegayaan xeebaha Soomaaliya.


XS
SM
MD
LG