Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Wariye oo Lagu Xiray Dhuusamareeb

Laba wariye oo ka howgalayay Radio Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta xabsiga u taxaabay maamulka Ahlusunna Waljameeca eek a arimiya magaaladaasi.

Ma cadda sababta loo xiray wariyeyaashan maamulka Ahlusunana wax war ah kama uusan soo saarin, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ragii xabsiga u taxaabay wariyeyaasha ay ku eedeyeen iney qal qal ku hayeen amaanka magaalada.

Wariyaha VOAda Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warkan inooga soo diray magaalada Beledweyne.

This item is part of
XS
SM
MD
LG