Maamulka Warshadda Kalluunka ee degmada Laasqoray ayaa sheegay in warshad ku taalla dalka Thailand ay si sharci darro ah u isticmaasho naqshadda u gaarka ah kalluunka ay qasacadeeyaan.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay ku arkeen kalluun lagu naqshadeeyay naqshadda ay gaarka u leeyihiin, wuxuuna sheegay in qasaca kalluunkaasi uu xagga hoose kaga qoran yahay Thailand.
Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in arrintani looga gol leeyahay in wax lagu majaxaabiyo sumcadda wax soo saarkooda iyo shaqao abuurista ay u sameeyeen Soomaali badan.