Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laascaanood: Wasiirro Qarax lala Beegsaday


Laascaanood

Qarax xooggan ayaa xalay lala beegsaday wasiirro ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan Laasacaanood.

Qaraxan ayaa u muuqda inuu qeyb ka yahay qaraxyo taxane ah oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Laasacaanood, oo iyadu xuddun u ah khilaaf xooggan oo u dhaxeeya maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in qofkii qaraxa fuliyay uu ku dhintay falkaasi.

Ma jirto cid illaa haatan sheegatay qaraxa.

XS
SM
MD
LG