Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laas Qorey: Shaqaale Nation Link oo la Afduubtay


Laas Qorey: Shaqaale Nation Link oo la Afduubtay
Laas Qorey: Shaqaale Nation Link oo la Afduubtay

Kooxda afduubka u geysatay shaqaalahaasi ayaa ku andocooneysa in dad deegaankooda ka soo jeeda lagu xiray Somaliland.

Shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta ee NationLink ayaa afduub loogu geystay degaan ka tirsan degmada Laas Qorey ee gobolka Sanaag.

Cabdullaahi Axmed Maxamuud oo ka mid ah dableydii afduubka geysatay oo sheegay inuu ku sugan yahay halka lagu magacaab Mashaxaleed oo ku taalla buurta Laas Qorey dusheeda ee Geeldoora ayaa sheegay inay qafaal ku haystaan 5 nin oo ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee NationLink.

Wuxuu sheegay in rag dhalinyaro ah oo uu sheegay inay kalluumeysato ahaayeen lagu xiray xabsiyo ku yaalla deegaanada Maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in raggaasi si dambi la'aan ah loo xiray, inkastoo maamulka Soomaaliland uu horey ugu eedeeyay ragga laga qabqabtay xeebaha inay ahaayeen burcadbadeed.

XS
SM
MD
LG