Isku xirrada

War Deg-Deg ah

K.Koonfureed: Maydka Burcad-badeedda


K.Koonfureed: Maydka Burcad-badeedda
K.Koonfureed: Maydka Burcad-badeedda

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay dawlada Somalia kala hadlayaan siday ugu soo wareejin lahaayeen maydadka 8 burcad badeed ah.

Ciidanka badda ee Kuuriyadda Koonfureed ayaa todobaadkii hore dilay 8 burcadbadeed ah iyaga oo markaasi ka soo furanayay markab laga lahaa wadankaasi oo ay budh cad badeeda somalidu qafaasheen.

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed waxaa kale oo ay gacanta ku hayaan shan nin oo ka tirsanaa budhcad badeedda somalida oo ay nolol ahaan ku qabteen

Sida ay isiintan maanta ah ku warantay wakaalada wararka ee rasmiga ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed ee YONHAP, dawlada wadankaasi waxaa ay wadahadalo u socdaan safaarada ay Somalia ku leedahay wadanka Cumaan, iyaga oo kala arinsanaya sidii laga yeeli lahaa maydadka sideeda nin ee ka tirsanaa budhcad badeedda Soomaalida ee ay rajaynayaana in ay dhawaan maydadkaasi ay ku wareejin doonaan safaarada Somalia

Sideeda Nin ee dhintay ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen sadex iyo toban ka tirsanaa burcad badeedda Soomaalida oo todobaadkii hore qafaashay markabka la yidhaahdo Samho Jewelry oo laga leeyahay wadanka Kuuriyada koonfureed.

Maalintii jimcahii ayaa waxaa markabkaasi weerar ay ku soo furnayeen ku qaadday ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed, waxaana ay weerarkaasi ku soo daayeen markabkaasi iyo 21-kii qof ee shaqaalaha ahaa ee saarnaa, inkasta oo ay burcad badeedu ay dhaawac rasaaseed u gaysteen Kabtankii markabka oo haatan la sheeggay in uu wali miyir la’yahay ee laakiin la filayo inuu ka soo rayn doono.

Dawlada Kuuriyada Koonfureed waxaa ay sheegtay oo kale in ay wadahadalo u socdaan dhawr wadan oo kale oo ay doonayaan in ay u dhiibaan shanta nin ee nolosha ay ku soo qabteen ciidamadoodu ee ka tirsanaa budh cad badeedda Somalia, kuwaasoo uu wasiirka gaashaandhiga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheeggay in haddii ay noqoto in ragaasi la geeyo dalka Kuuriyada Koonfureedna in maxkamad lagu soo taagi doono wadankaasi .

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Kuuriyada Koonfureed dalka Kenya oo loo arkayay in lagu wareejin karayo ragan burcad badeedda ah ee la soo qabqabtay ayaa diiday in ay aqbalaan iyaga oo sheeggay inaanay u haynin meel lagu xidho.

XS
SM
MD
LG