Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kun Askari oo Uganda Tababar ku Soo Dhamaystay


Kun Askari oo Uganda Tababar ku Soo Dhamaystay
Kun Askari oo Uganda Tababar ku Soo Dhamaystay

Kun askari oo ka tirsan ciidamada DKMG oo uu Uganda tababar uga socday ayaa soo dhamaystay tababrkoodii.

Tababrkan oo ay fidinayeen saraakiil Military oo kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa shalay si rasmi ah loogu gabagabeeyay

Tababarkan ayaa soconayay muddo lix bilood ah, iyadoo xeritaanka tababarkaasina ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya, kuwa dalka Uganda iyo qaar ka mid ah diblumaasiyiinta dalalka Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay Magaalada Kampala.

Ciidamadani oo la sheegay in si gaar ah loo qalabeyn doono marka ay Soomaaliya dib ugu laabtaan ayuu Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamed Faqi, islamarkaana ah Raysal Wasaare ku xigeen uu sheegay iney ciidamadani xoojin dagaalka ay ciidamadoodu kula jiraan kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay inuu ku kalsoon yihiin tababarka ay ciidamadaasi dalka Uganda ku siiyeen saraakiisha Midowga Yurub.

Tababarkani oo ahaa midkii seddexaad oo ay dalka Uganda ku qaataan ciidamo loo tababarayo dowladda Soomaaliya ayay Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub sheegeen in tababarkaasi mid la mid ahi dhowaan u furi doonaan ciidamo kale oo gaaray 1000 askari, si ay qeyb uga qaataan soo celinta xasiloonida dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG