Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulanka Guud ee QM oo maanta Furay


Madaxeynayaal, boqorro, iyo Raisul Wasaarayaal ka socda 193 dal ee xubnaha ka ah QM ayaa ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmay magaalada New York.

Kullanka guud ee QM oo maanta ayaa maanta oo Isniin ah ah ka furmo xarunta Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee magaalada New York.

Madaxeynayaal, boqorro, iyo Raisul Wasaarayaal ka socda 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ka qeybgalaya inta uu socdo kullanka.

Waxay madaxdu ka hadli doonaan wax ka qabashada cimilada sii kululaaneysa ee dunida , cirib tirka saboolnimada, la dagaalanka sinaan la’aanta, sare u qaadista galaangalka caafimaadka, waxbarashada, iyo suggidda amaanka dunida.

Arrimaha ayaa waxay ka mid yihii 17 yool oo Jimcihii ay ansixiyeen madaxda dunida.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa warbixintan nooga soo diray xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Warbiixnta Colaad ee QM
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:38 0:00

XS
SM
MD
LG