Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska Oo Duqeyn Cirka Ah Ka Fuliyey Siiriya


Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa lagu sheegay in weerarkaasoo la fuliyey xilli hore oo saaka uu ahaa mid lagu wargeyey dowladaha kale ee ku jira Isbahaysiga dagaalka kula jira Daacish.

Billowgii bisha ayuu Faransiisku billaabay duulimaadyo sahan ah oo uu ku sameynayey deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyada Daacish kuwaasoo horseeday weerarka dhinaca ee uu maanta fuliyey.

Tan iyo wixii maanta ka horeeyey ayuu dalka Faransiisku ahaa mid dagaalka lagula jiro ururka Daacish dhinacyo kale uga qeyb qaata balse hadda billaabay in uu weeraro dhanka cirka ah ka fuliyo deegaannada maleeshiyada Daacish kaga sugantahay dalka Siiriya.

XS
SM
MD
LG