Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulbiyow: Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo isku Dhacay


Kulbiyow: Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo isku Dhacay
Kulbiyow: Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo isku Dhacay

Xoogag ka tirsan ururka Ahlu-Sunna waljamaaca iyo kooxda al-Shabaab ayaa isku dhac ku dhexmaray deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Xoogag ka tirsan ururka Ahlu-Sunna waljamaaca iyo kooxda al-Shabaab ayaa isku dhac ku dhexmaray deegaano ka tirsan Jubbada Hoose. Korneyl Maxamed Axmed Qaati oo sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha dagaalkaasi ka qeybgashay ee Ahlu-Sunna waljamaaca ayaa VOA-da uga warramay dagaalka ay la galeen al-Shabaab.

Deegaanadaasi ay isaga horyimaadeen labada dhinac waxay u dhaxeeyaan deegaan la yiraahdo Kulbiyo iyo degmada Badhaadhe. Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in kooxda al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Diif.

Isagoo kusugan deegaan lagu magacaabo Kulbiyow oo ku dhow xadka Kenya, Korneyl Qaati wuxuu sheegay inay yihiin ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna oo halkaasi u jooga inay deegaankaasi ka saaraan al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay inay taageersan yihiin dowladda KMG ah, inkastoo aysan deegaanka ay joogaan ee Kulbiyow aysan ku sugneyn ciidamo ka tirsan dowladda.

XS
SM
MD
LG