Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala Dareeray


Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala Dareeray
Kulankii Baarlamaanka oo lagu kala Dareeray

Kulankii baarlamaanka ee lagu ansixin lahaa raisal-wasaaraha cusub ayaa ku dhamaaday isfaham-waa kaddib markii la isku afgaran waayay hannaanka loogu coddeynayo raisal-wasaaraha.

Baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho lagu kala dareeray, kaddib markii lagu heshiin waayay qaabka ama hannaanka loogu codeynayo raisal-wasaaraha cusub ee Somalia Max'ed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Shariif ayaa baarlamaanka horgeeyay raisal-wasaarihii cusub si codka kalsoonida loogu qaado, wuxuuna ka codsaday xubnaha baarlamaanka inay raisal-wasaaraha kalsooni siiyaan.

Kulankaasi ayaa ku dhamaaday natiijo la'aan kaddib markii ay xildhibaannadu ay isku mowqif ka noqon waayeen qaab loo qaadayo codadka kalsoonida lagu siinayo raisal-wasaaraha. Xildhibaannada qaarkood ayaa soo gudbiyo mooshin sheegay in codadka si qarsoodi ah loo qaado halka kuwa kalena ay keeneen mooshin sheegaya in codadka si qarsoodi ah loo qaado.

Kala fikir duwanaanshahaasi ayaa keenay in kulankii maanta uu soo xirmo iyadoon wax natiijo ah la gaarin. balse waxaa loo balansan yahay in maalinta sabtida ah dib la isugu soo noqdo si kalsooni loogu qaado raisal-wasaaraha cusub.

XS
SM
MD
LG