Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulanka Dhalinyarada ee Minnesota


Kulanka Dhalinyarada ee Minnesota
Kulanka Dhalinyarada ee Minnesota

Minneapolis waxaa ka dhacay shir ay ka soo qeybgaleen dhalinyarada muslimiiinta Minnesota waxaana looga hadlay haliska iyo doorka dhalinta

Xarunta Convention Center ee magaalada Minneapolis waxaa xalay lagu soo afjaray kulan-weyne ay leeyihiin dhalinyarada muslimiinta ah ee Gobolka Minnesota oo ay dhalinyarta Soomaalidu ku jirto.

Kulankan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay masjidka Al-Dacwah ee Saint Paul. Sheekh Xasan Jaamici oo ah imaamka masjidkaasi ayaa VOA u sheegay in kulankan diiradda lagu saaray sidii dhalinyarada looga bad-baadin lahaa halista uga imanaysa kooxaha gangs-ka ah oo keeni karta inay waxbarashada ka haraan. Sheekh Jaamici wuxuu kaloo sheegay inay xoogga saareen sidii loo dhisi lahaa ama loo adkayn lahaa xiriirka ka dhaxeeya dhalinyarada iyo waalidiinta.

XS
SM
MD
LG