Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulanka Abaaraha iyo Madaxda Geeska


Kulanka Abaaraha iyo Madaxda Geeska
Kulanka Abaaraha iyo Madaxda Geeska

Madaxda dalalka Geeska Afrika ayaa oo ka qeybgalay shirka abaaraha ee Nairobi ayaa waxay ka digeen in haddii aan wax laga qaban xaaladda abaaraha Somalia ay taasi halis galin karto amaanka gobolka.

Madaxweynaha Kenya Kibaki ayaa sheegay in kuwo wax tahriibiyaa ay qul-qulka qaxootiga abaarta ka soo cararaya u isticmaali karaan inay hub ku soo galiyaan dalkiisa.

Raisal-wasaaraha dalka Ethioipia, Meles Zenawi ayaa soo jeediyay in goobaha al-shabaab ka taliso laga sameeyo meelo cayiman oo xayndaab ah si gar-gaarka loo gaadhsiiyo dadka u baahan ee ku hoos nool al-Shabaab.

Shirkaasi war-saxaafadeed laga soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in qorshaha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia laga beddelo nabad-ilaaliyaal, lagana dhigonabad-dhaliyayaal, waxaana sidoo kale QM ay ugu ugu baaqeen in ciidamo QM ka socda oo nabad ilaalin ah la geeyo Somalia si dalka loo xasiliyo.



XS
SM
MD
LG