Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kufsiga lagula kaco Haweenka


Haweenka Soomaalida ee ka barakaca goobaha dagaallada ayaa waxaa loo geystaa kufsi ay kula kacaan maleeshiyaadka dagaallada ku lugta leh

Dagaallada iyo Colaaddaha muddada 20-ka sano ah ka jira Soomaaliya ayaa ka sokow dhibaatada guud ee shacabka ka soo gaadha kooxaha hubeysan, waxaa dumarka Soomaalida si gaar ah ugu sii dheer kufsi lagula kaco xilliyada ay ku jiraan barakaca ama ay ku suganyihiin xeryaha ay ku soo qaxaan.

Hay’addo maxali ah iyo kuwo caalami ah oo u doodda xuquuqda Haweenka ayaa diiwaan galiyey dhacdooyin kufsi oo ka badan kumanaan, kuwaas oo intooda badan ay geysteen maliishiyaadka dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo iyo maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin iyo wareysi ka hadlaya kufsi loo geystay qaar ka tirsan haweenka Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG