Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox hubeysan oo lagu arkay gobolka Awdal


Koox hubeysan oo lagu arkay gobolka Awdal
Koox hubeysan oo lagu arkay gobolka Awdal

Koox hubeysan oo aan la garanayn ayaa ka dagay xeebaha Awdal. Saraakiisha Somaliland ayaa sheegay inay ku hareeraysan yihiin kooxdaasi

Maleeshiyo hubeysan oo aan haybtooda la caddeyn ayaa lagu arkay deegaanno hoos yimaada gobolka Awdal.

Saraakiisha ciidanka Somaliland ayaa maanta sheegay in nimankaasi ay ka yimaadeen dalka Eritrea kana soo dageen xeebaha Somaliland. Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada Somaliland ay heleen hub iyo dukumintiyo ay kooxdaasi uga tageen goob lagu magacaabo C/qaadir oo u dhow degmada Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal

Saraakiishu waxay sheegeen in kooxdaasi hubeysan ay haatan ku jiraan dhul buuralay ah isla markaana ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Somaliland.

Goob jooge ku sugan deegaankaasi ayaa VOA u sheegay in ciidamada Ethiopia ay gudaha u soo galeen Somaliland haatana ay doonayaan inay weerar ku qaadaan goobta ay ku jiraan maleeshiyadaasi oo u dhow xadka Somaliland iyo Ethiopia.

XS
SM
MD
LG