Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka u Dhaxeeya Labada Shariif


Khilaafka u Dhaxeeya Labada Shariif
Khilaafka u Dhaxeeya Labada Shariif

Madaxweyne Sh. Shariif iyo guddoomiye Shariif Xasan ayaa isku khilaafka hannaanka ansixinta ra'iisul-wasaaraha cusub ee DKMG

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Sh. Shariif Sh, Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sh. Adan. Khilaafkan ayaa ku salaysan labada mooshin ee ay kala wataan xildhibaannada Soomaalia ee ku saaabsan qaabka ansixinta ra'iisul-wasaaraha cusub ee Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay sharci darro ku tilmaamay mooshinka hannaanka codbixinta qarsoodiga ah ee uu wado guddoomiye Shariif Xasan iyo qaar ka tirsan baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Shariif ayaa ku eedeeyay Shariif Xassan inuu ishortaag ku sameeyay ansixinta raisal-wasaaraha cusub.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in axdiga KMG uusan qoreyn hannaanka rasmiga ah ee codka kalsoonida loogu qaadayo ra'iisul-wasaaraha, sidaasi darteedna la qaato ama la hirgaliyo hannaanka codbixinta gacantaaga ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan ayaa isna dhiniciisa soo saaray war-saxaafadeed uu madaxweyne Shariif ku eedeeynayo inuu faragalin ku sameeyay arrimaha baarlamaanka. guddoomiyuhu wuxuu sheegay in habka codbixinta qarsoodiga ah ay tahay midda sharciga ah oo waafaqsan xeer-hoosaadka baarlamaanka, wuxuuna xubnaha baarlamaanka ugu baaqay inay maalinimada arbacada ah isugu yimaadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadi doono ra'iisul-wasaaraha cusub. Shariif Xasan wuxuu AMISOM ka codsaday inay amniga xoojiyaan, isagoo xusay inay jiraan warar muujiyana mu'aamarrado isaga ka dhan ah ama dhiilo kale oo abuuri karta qalalaase.

Labada Mas'uul ayaa war-saxaafadeedyadaasi isugu gudbiyay dhaliilo iyo eedeyn. Dhanka kalena waxaa socda shirar iyo wadatashiyo ay labada dhinac ku doonayaan inay ku kala jiitaan xildhibaannada baarlamaanka.

Khilaafka labadan mas'uul ayaa dadka arrimaha siyaasadda ka faaloodaa ku macneeyeen inuu ka weyn yahay qodobada dastuuriga ah ee la isku haysto, waxaana lagu sheegay inuu salka ku hayo, wadashaqeyn la'aan ka dhalatay soo magacaabistii ra'iisul-wasaare Farmaajo, waxaana la sheegayaa in guddoomiye Shariif Xasan uu rajaynayay in lagala tashado qofka la soo magacaabayo, balse aysan taasi dhicin.

Si kastaba ha noqotee, khilaafka labada mas'uul ayaa u muuqdo mid sii xooggeysanaya, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa halka uu sal dhigan doono.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysi ay VOA la yeelatay Xildhibaan Max'ed Qanyare.

XS
SM
MD
LG