Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo Khilaaf Soo Kala Dhexgalay


Galmudug oo Khilaaf Soo Kala Dhexgalay
Galmudug oo Khilaaf Soo Kala Dhexgalay

Khilaaf ayaa soo kala dhex-galay maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacyo kaddib markii maanta qaar ka tirsan baarlamaanka Galmudug kulan ay yeesheen ay ka soo saareen go’aan ay xilkii uga qaadeen madaxweynaha Galmudug Max'ed Axmed Caalin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Xasan Max’uud Hayl oo kulan maanta guddoominayay ayaa VOA u sheegay in madaxweyne Caalin xilkii ay ka qaadeen kaddib markii uu ku guuldaryetsy inuu wax ka qabto amni-darada ka jirta Galmudug isla markaaana uu diiday inuu baarlamaanka horyimaado

Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin oo isna VOA la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday sidoo kalena gaashaanka ku dhuftay eeddaha loo so seediyay, wuxuuna sheegay in kulanka maanta dhacay ay wateen koox gaar ah isla markaana uu ahaa kulan sharci darro ah.

Lama oga xiisaddan cusub ee maamulka Galmudug ka dhex-dhalatay meesha ay ku biyo shuban doonto.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug.

XS
SM
MD
LG