Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Waxaan Dilnay 60 ka tirsan Al-Shabaab


Kenya: Waxaan Dilnay 60 ka tirsan Al-Shabaab
Kenya: Waxaan Dilnay 60 ka tirsan Al-Shabaab

Afhayeenka dowladda Kenya ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Kenya ay koonfurta Soomaaliya ku dileen dad fara badan oo ka tirsan kooxda al-shabaab ee xiiriirka la leh ururka Al-Qaacida, iyadoo tani qeyb ka tahay howlgallada socda ee kooxda Al-shabaab dalka looga saarayo.

Col. Cyrus Oguna Afhayeenka Kenya ayaa weriyayaasha u sheegay maanta oo Sabti ah in ugu yaraan 60 ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab lagu dilay weerar duqeyn ah oo loo geystay magaalada Garbahareyn ee gobolka Gedo Jimcihii Shalay.

Oguna wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay heleen akhbaar ku aadan meesha ay ku sugnaayeen ciidamada kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu filayo in tirada dhimashadu ay intaasi ka badan doonto.

Dhinaca kale, dowladda Britain ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay inay rumaysan tahay inay jirto halis argagixiso ah oo ku wajahan dalka Kenya. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska arrimaha dibedda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Britain ay rumaysan tahay in argagixisadu laga yaabo inay ku jiraan diyaargarowgii ugu danbeeyey ee ay ku qorsheynayeen weerarro ay ka geystaan dalka Kenay.

XS
SM
MD
LG