Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Sheegtay inay Duqeynayso Afgooye


Militariga Kenya ayaa sheegay in weerarro cirka ah ay ku bartilmaameedsan doonaan deeggaannada fog ee ay maamusho kooxda Al-Shabaab ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Militariga Kenya, Col Cyrus Oguna ayaa sheegay inay diyaariyaaan qorshe ay duqeyn hawada ah ku bartilmaameedsan doonaa magaallooyinka Afgooye, Marka iyo Baraawe oo ah dhamaan magaalooyin ay ka taliso kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenku wuxuu dadka uga digay inay ka fogaadaan saldhigyada Al-Shabaab goobahaasi oo bartilmaameedsi u ah ciidamada Kenya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in duqeyntu ay sii socon doonto ilaa iyo inta laga bur-burinayo kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa horey u duqeeyay goobo ku yaaalla koonfurta Soomaaliya oo Kenya ay sheegtay inay ahaayeen saldhigyo ay leedahay kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG