Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Amniga oo la xoojiyay


Kenya: Amniga oo la xoojiyay
Kenya: Amniga oo la xoojiyay

Dowladda Kenya ayaa xoojisay ammaanka Kenya kaddib qaraxii Nairobi. Ciidamada boliiska ayaa la dhigay qeybo ka tirsan wadooyinka Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa xoojisay amniga guud ahaan Kenya. Ciidamada booliska ayaa xalay la dhigay qeybo ka tirsan waddooyinka Nairobi, waxaana sidoo kale la dhigay xadka Kenya iyo Somalia ciidamo xoojin ah.

Xoojinta amniga ayaa daba socota qaraxii habeen hore ka dhacay Nairobi ee la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo rayid ah. Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay qab-qabteen in ka badan 100 qof oo doonayay inay galaan gobolka Xeebta ah kuwaasoo baabuur ka raaacay xaafadda Eastleight ee ay Soomaalidu dagan tahay.

Dowladdaha Kenya iyo Uganda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxii habeen hore ka dhacay Nairobi. Kenya waxay sheegtay in qaraxii uu ka danbeeyay nin ka soo jeeda dalka Tanzania, halka taliyaha booliska Uganda uu isna mas'uuliyadda qaraxaasi ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG