Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: 9 Askari Ayaa Naga Dhimatay


War qoraal ah oo laga soo saaray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa lagu sheegay in weerarkii Al-Shabab ku qaadday magaalada Kulbiyow ay ku dhinteen sagaal ka tirsan askarta Kenya.

War saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay in 15 askari looga dhaawacay Kenya weerarkaasi.

Goor hore Al-Shabab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku disahay 67 askari oo ka tirsan Kenya. Hase yeeshee dawladda Kenya ayaa iyaduna dhinaceeda sheegatay in 70 maleeshiyada Al-Shabab ah ay ku dishay weerarkaasi.

Kenya waxay beenisay in saldhiggu uu ka baxay gacanta ciidankooda, waxayna sheegeen inay iska difaaceen weerarka.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in saacadihii hore ee saaka ay Al-Shabab qabsadeen saldhigga ka hor intii aysan ka bixin.

Dadka magaalada waxay kaloo sheegeen in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro Guddoomiyihii degaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuuh. Dadka kale ee dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo rayid ah iyo laba ka tirsan askarta dawladda.

XS
SM
MD
LG