Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kambala: Imaam Soomaali ah oo la xiray


Kambala: Imaam Soomaali ah oo la xiray
Kambala: Imaam Soomaali ah oo la xiray

Dadka la xir xiray waxaa ku jiray Soomaali sidoo kale deganeyd xaafadda Kisenyi ee magaalada Kampala.

Ciidamada ammaanka ee dalka Uganda ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo ka tirsan Magaalada Kampala kusoo qabtay dhowr qof oo Soomaali ah oo uu ku jiro Sheikh Cabdiweli Cabdullaahi oo ah Imaamka Masjidka ugu weyn xaafadda Kizenyi, sida uu VOA-da u xaqiijiyay Guddoomiyaha xarunta Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Kampala, Xuseen Abuukar (Xuseen Garweyne).

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaasi kusoo qabtay afar xubnood oo ka tirsan qoyska Imaamka Masjidkaasi, iyagoo baaritaan ku sameeyay xafiis uu ku lahaa qeybo ka mid ah masjidka, waxaana sidoo kale dadka lagu soo qabtay howlgalkaasi ku jiray laba qof oo deganaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaala deegaankaasi.

Saraakiisha ammaanka ee Uganda ayaan weli wax faah-faahin ah ka bixin ujeedada howlgalkoodaasi iyo sababaha dadkaasi loo xiray, hase yeeshee ciidamadaasi ayaa dhowaanahan waday howlgalo ay sheegeen iney ku sugayaan ammaanka, iyagoo xusay iney ka feejigan yihiin Qatar dhinaca argagixisada ah, maadaama ay dalkaasi ka socdaan ololihii doorashada madaxtinimada oo qabsoomi doonta bartamaha February ee sanadka soo socda.

XS
SM
MD
LG