Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaaliyaha Xoghayaha QM OoTagay Muqdisho


Jeffrey Feltman
Jeffrey Feltman

Jeffrey Feltman, ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey D. Feltman ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.

Feltman ayaa weriyayaasha u sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso isla markaana taageersan tahay go’aankii dhowaan laga soo saaray nooca doorashada ee sannadkan ka dhici doonta dalka.

Waxa uu sidoo kale Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Jeffrey Feltman oo booqday Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00


XS
SM
MD
LG