Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaritaanka Diyaaradda Daalo Oo Weli Socda


Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

Waxaa weli la baarayaa waxa sababay qarax shalay qabsaday diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Daalo Airlines.

Dawladda Soomaaliya ayaa weli wadda baadhitanaka waxa sababay qarax shalay qabsaday diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo Airlines oo ka kacday magaalada Muqdishu una socotay dalka Jabuuti.

74 rakaab ah iyo toddoba qof oo shaqaalaha diyaaradda ah ayaa la sheegya inay la socdeen diyaaradda, kuwaasi oo badbaaday marka laga reebo qof la sheegay inuu ka dhacay diyaaradda kadibna geeriyooday sida ay idaacadda u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Laba qof oo kale ayaa ku dhaawacantay shilkaasi.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa shalay idaacadda VOA u sheegay in loo malaynayo qarax ka dhacay oksajiinta diyaaradda, waxaa iyaguna jira warar sababo kale u aanaynaya qaraxa.

Diyaaradda ayaa la dhigay qaybta dhinaca afisyoone ee garoonka diyaaradaha, waxaana gacanta ku haya baadhayaasha.

Waa shilkii saddexaad ee noociisa ah ee ka dhaca Soomaaliya afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Agaaismaha guud ee agaasinka Tirokoobta Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalmaiga ah Axmed Cilmi Muxumed oo la socday diyaaradda, Ayaan arrintan ka wareysanay. Haaruun Macruuf ayuu uga warramay sida ay wax u dhaceen?

Shilka diyaaradda Daalo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00

XS
SM
MD
LG