Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland: Kenya Ma Duqeyn Dad Rayid ah


Maamulka Jubaland ayaa beeniyey in ciidamada Kenya ee duqeymaha ka wada gobolka Gedo ay beegsadeen dad shacab ah.

Maamulka Jubbaland oo markii ugu horeysay si faah faahsan uga hadlay duqeymo iyo dagaallo dhowaan ka dhacay gobbolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Ceel-Cadde ayaa beeniyay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeeyeen deegaano ay ku sugan yihiin dad rayid ah.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo shacabka ku nool Ceel-Cadde, ayaa horey usoo weriyey in ciidamada Kenya ay duqeeyeen goobaha rayidka, ayna dileen dad shacab ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Garbahaareey, oo deegaanka Ceel-Cadde uu hoos tago, Sheekh Nuur Maxamed Buraale ayaa VOA-da u sheegay in tddoba qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen duqmeymihii ugu dambeeyey ee ciidamada Kenya.

Si katsaba, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ayaa ku adkeystay in ciidamada Kenya aysan marnaba bartilmaameedsan shacabka.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Cabdirashiid Janan ku sheegay in shacabka ay ka qaxayaan dagaalada, balse aysan ka carareyn duqeymaha ciidamada Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamud Xareed, ayaa wareystay Cabdirashiid Janan.

Jubaland oo beenisay duqeymaha Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00


XS
SM
MD
LG