Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Sacuudiga Oo Xiray 9 Mareykan Ah


Wargeyska Saudi Gazette ayaa weriyey in sagaal qof oo Mareykan ah iyo 24 qof oo kale loo xiray tuhun argagixisanimo.

Wargeys kasoo baxa Sacuudiga ayaa axaddii (1/31/2016) ku warramay in mas’uuliyiinta dalkaas ay xireen 9 qof oo Mareykan ah iyo 24 qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo argagixisanimo.

Dadkan oo la xiray toddobaadkii tagay, ayaa waxaa ku jira 14 Sacuudiyaan, saddex Yemeni ah, Laba Suuriyaan ah, qof Indonesian ah, qof Filipino ah iyo laba qof oo mid Falastiini yahay midna u u dhashay dalka Kazakhstan, sida uu ku warramay wargeyska Saudi Gazette.

Hase yeeshee wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa lix sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegtay in Mareykanka aysan xaqiijin karin in dadka la xiray ay ku jiraan dad Mareykan ah.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa hubinaya magacyada dadkan, si loo xaqiijiyo inay ku jiraan Mareykan iyo in Kale.

Wargeyska Saudi Gazette ma shaacin haddii dadkan loogu yeeray “Tuhmaneyaasha Argagixiso” ay xiriir la lee yihiin kooxda Daacisha, oo horey u sheegtay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday ciidamada ammaanka Sacuudiga.

XS
SM
MD
LG