Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Johnnie Carson oo Muqdisho Booqday


Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Johnnie Carson ayaa Muqdisho booqday, sida ay madaxda DKMG ahi sheegeena, waa mas’uulkii ugu sareeyey ee booqda magaalo madaxda Somalia ilaa bilowgii sagaashanadii.

Mr. Carson waxa uu la kulmay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali, waxana la filayaa in uu magaalada Muqdisho hal maalin ku nagaado.

Booqashadan ayaa timid afar maalmood ka dib markii Maraykanku uu yaboohay 33 milyan oo dollar, taas oo abaal marin looga dhigay qofkii soo sheega halka ay ku sugan yihiin 7 ka mid ah hogaamiyeyaasha Alshabab.

Ururka Alshabab ayaa arrintaas ka jawaabay, iyaga oo shaaciyey abaalmarin iyaga u gaar ah. Alshabab ayaa sheegay in qofkii keena xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Obama in 10 neef oo geel ahla sii doono, halka qofkii keena xog sheegaysa halka ay ku sugan tahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Hillary Clinton, isaga la siin doono 10 digaag iyo 10 diiq.

Warbixin ku saabsan booqashada Kaaliyaha hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG