Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jigjiga oo Martigalisay Madaxda Ethiopia


Dabaaldegga Jigjiga
Dabaaldegga Jigjiga

Madaxda Federalka ee Ethiopia ayaa ku sugan magaalada Jigjiga oo u dabaaldegaysa Maalinta Xoolodhaqatada.

Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa maanta looga dabaaldegay Maalinta xoolodhaqatada.

Munaasabadan oo looga dabaaldego dalka Ethiopia ayaa sanadkan loo doortay magaalada Jigjiga in ay martigaliso.

Waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopa, iyo madaxda 9ka dawlad goboleed ee Ethiopia.

Afhayeen u hadlay Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia oo lagu magacaabo Guuleed Casoowe ayaa VOAda u sheegay in odayaasha dhaqanka ee Soomaalida Ethiopia ay kulamo la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi iyaga oo kala hadlay sidii ay dawladda Federalka ee Ethiopia ay wax ugu qaban lahayd dadka ku nool Ismaamulka.

Waraysiga afhayeenka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ka dhegayso qeybta hoose ee boogan.

XS
SM
MD
LG