Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jig-jiga oo Dooratay Maamul Gole Deegaan iyo Duq Magaalo oo Cusub


Jig-jiga oo Dooratay Maamul Gole Deegaan iyo Duq Magaalo oo Cusub
Jig-jiga oo Dooratay Maamul Gole Deegaan iyo Duq Magaalo oo Cusub

Gole ka kooban 75 xubnood oo la doortay 23kii bisha May ee sanadkan ayaa Guuleed Dheeg Maxamed u doortay duqa magaalada ee Jig-jiga

Guuleed Dheeg Maxamed ayaa maalintii Sabtidii loo doortay inuu noqdo Duqa Magaalada Jig-jiga ee shanta sano ee soo socota. Gole ka kooban 75 xubnood oo kusoo baxay doorashadii dhacday 23kii bishii May ee sanadkan ayaa maalintii Sabtidii doortay xubnaha fulinta ee golaha deegaanka ee magaalada Jig-jiga.

Si la mid ah caasimadaha sagaalka maamul-goboleed ee Ethiopia, ayaa magaalada Jig-jiga u yeelan doontaa gole deegaan oo si gaar ah u maamula hawlaha magaalada, iyagoo u madax-banaan wax ka qabashada dhinacyada, dhaqaalaha, siyaasadda, iyo bulshada intaba.

Wareysi ayaanu yeelanay Duqihii hore ee magaalada Jig-jiga Yusuf Sheekh Cabdi (Gangaale) ayaa sheegay in golahan deegaanka ay yihiin dhalinyaro leh aqoontii ay wax badan kaga beddali lahaayeen horumarka magaalada.

XS
SM
MD
LG