Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga oo taageerro ugu yaboohay DKMG


Talyaaniga oo taageerro ugu yaboohay DKMG
Talyaaniga oo taageerro ugu yaboohay DKMG

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay siinayso kharashka ku baxaya wasaarradaha ugu muhiimsan dowladda Somalia

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in ay maalgalin doonto howlaha wasaaradaha muhiimka ah ee dowlada KMG.

Wasiirka arrimaha dibada Talyaaniga Franco Frattini ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Nairbobi kula qaatay madaxweyne Sheekh Shariif. Wasiirku wuxuu sheegay in dowladiisa ay bixin doonto kharashka howlgalada maalin-laha ah ee wasaaradaha arrimaha dibedda, maalliyadda iyo ammaanka qaranka.

Waxaa kaloo uu sheegey wasiirka in talyaanigu ay tababari doonaan boolis gaar ah oo la dagaalama argagixisada ayna dhiibi doonaan mushaharka askarta,

Frattini muusan sheegin inta qarash ah ee ku baxaysa howshaas,Talyaaniga waxa uu aha gumeystihii soomaaliya ,

Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga waxa uu deeq bixiyayaasha caalamka ugu baaqey in ay taageeraan dowlada soomaaliyeed ee dagaalka adag lagu wado,

Dowlada Somalia waxa ay dagaal kula jirtaa maleeshiyo islaami ah kuwaasoo sedexdii sano ee ugu danbeysey qabsadey inta badan gobollada koofurta iyo bartamaha somalia.

XS
SM
MD
LG